Israa’iil oo ku hanjabtay weerar dhulka iyo Cirka ah in ay ku qaadi doonto Falastiin

0
190

Jowhar (Radio-Isnaay)- Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay weerarada ay ka wadaan Qasa iyadoo dagaalamayaasha Falastiiniyiintana ay iyagana sii wadaan inay gantaallo ku tuuraan dhinaca Israa’iil xilli colaadu ay gashay maalintii shanaad.

Ciidammada Israa’iil ayaa sheegay in xoogagga cirka iyo kuwa dhulka ay qeyb ka ahaayeen weerarada dhacay maanta oo Jimce ah, balse waxay sheegeen in ciidammadooda aysan gelin Qasa.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Qasa ayaa sheegay in magaallada ay ku socdaan duqeymo xooggan oo loo adeegsanaya noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.

Ilaa iyo hadda 100 qof ayaa lagu dilay Qasa, 7 qofna dhinaca Israa’iil tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Isniintii.

Saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan aya haleelay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta waqooyiga Israa’iil, sida ay ciidammada difaaca Israa’iil (IDF) ay bartooda Twitter-ka ku sheegeen

Ciidammada Difaaca ee Israel waxay sheegeen, in muddo yar ka hor gantaallo ka yimi meel aan carriga Falastiin ahayn ay ku soo dhaceen, iyaga oo aan faahfaahin badan raacin.Gantaalahan ayaan wax khatar ah galin Israel, sidaa darteedna lama yeedhin qalabka dhawaaqa ee tilmaama khatarta iyo sida oo kale lagama shaqaysiin nidaamyada difaaca gantaallada ee hawadooda sida ay tebinayaan warbaahinta Israel.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay inay ka dambeysay gantaalkan.

Waxaa jira dhowr kooxood oo xagjir ah oo ka howlgala Lubnaan. Waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xisbullah, oo dagaal bil socday la galay Israel sanadkii 2006.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here