Dowladda Israa’iil oo  Xaalad deg deg ah ku dhawaaqday.

0
148

Jowhar (Radio-Isnaay)-Muddo hal isbuuc ah ayuu qalalaase ka jiraa dhulalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

Dhowr maalmood oo ay socdeen isku dhacyo iyo xasilooni darro kaddib, Israa’iil waxay ku dhawaaqday in ay xaalad deg deg ah galisay magaalada ku taalla bartamaha ee Lod, taasoo u dhow caasimadda Tel Aviv, kaddib markii mudaharaadyo rabshada wata ay sameeyeen Carabta Israa’iil.

Arrintan ayaa saameyn weyn ku yeelaneysa xiisadda hadda taagan ee u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin – maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xukuumadda Israa’iil ay awoodda amarka degdegga ah u adeegsatay bulshada Carabta ah tan iyo sanadkii 1966-kii.

Waxaa laga yaabaa inaad marar badan maqashay dad Israa’iil ku tilmaamaya waddan ay leeyihiin Yuhuudda, laakiin sidoo kale waxay hoy u tahay dad aan Yuhuud ahayn.

Waxaa ka mid ah carabta laga tirada badan yahay ee Israa’iil, kuwaasoo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin balse heysta dhalashada Israa’iil.

Israa’iil waxaa ku nool shacab wax yar ka badan 9 milyan, ku dhawaad shan meelood meel ka mid ah dadkaasina – oo lagu qiyaaso 1.9 milyan – waa carabta Israa’iil.

Waa dad Falastiiniyiin ah oo ku nagaaday xuduudaha waddanka loo bixiyay Israa’iil markii la aasaasay sanadkii 1948-kii, halka 750,000 oo ka mid ahna ay qaxeen ama guryahooda xoog looga saaray markii uu dagaalka qarxay yagleeliddii Israa’iil kaddib.

Kuwii qaxay waxay dageen meelaha u dhow xuduudda Israa’iil, Daanta Galbeed, Marinka Qasa iyo xeryaha qaxootiga ee gobolkaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here