Cristiano Ronaldo oo Dhigay Rikood Cusub oo Dunida oo Dhan Ah.

0
320

Jowhar (Radio-Isnaay)-Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhigay rikoodh cusub oo dhinaca gool-dhalinta ah iyadoo kooxdiisuna kusoo laabatay jidka guusha, isla markaana soo noolaysay rajada ay ka qabto in ay ka mid noqoto afarta kooxood ee ugu sarreeya.

Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee Juventus u dhaliya 100 gool oo tartamada oo dhan ah, waxaanu tiradaas ku gaadhay saddex xilli ciyareed.

Cristiano ayaa dhaliyey gool qaybta hore ee kulankii ay koooxdiisu Arbacadii 3-1 ku garaacday Sasuolo, waxaana waxaana labada kale ku daray Adrien Rabiot iyo Paulo Dybala, iyadoo saddexdaas dhibcoodna ay kusoo dhoweeyeen Napoli oo kaalinta afraad ku jirta hal dhibicna ka horreysa.

Laacibkan reer Portugal ayay ahayd kulankii 131aad ee uu u safto Juventus oo sannadkii 2018 uu uga soo wareegay Real Madrid, waxaana uu xaqiiqsaday in uu dhigo rikoodh ku cusub taariikhda Juventus oo aanu jirin ciyaartoy kale oo sameeyey hortii.

Labada ciyaartoy ee hore u haystay rikoodhka boqolka gool ee Juventus ayaa ahaa Omar Sivori iyo Roberto Baggio oo min 100 gool iyo ka badan u dhaliyey Juventus, laakiin labadaas ciyaartoy ayaa ah kuwa kaliya ee wax ka yar shan xilli ciyaareed dhaliya goolal 100 ah.

Laakiin labadooduba waxay aad uga badnaayeen Cristiano Ronaldo oo isaga saddex sannadood iyo 131 kulan oo kaliya ay ku qaadatay.

Xilli ciyaareedkiisii koowaad ee 2018-19 ayuu dhaliyey 28 gool, waxaana uu ku xigsiiyey 37 gool oo xilli ciyaareedkii hore ee 2019-20 uu saxeexay, halka xilli ciyaareedkanna uu dhaliyey 35 gool oo uu waliba sii kordhin karo tirada goolashiisa maadaama laba ciyaarood oo kale hadhsan yihiin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here