Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka

0
178
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib martiqaad uu kaga qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka dhiggiisa dalka Uganda Mudane yoweri Museveni.
Farmaajo oo Magaalada Kampala waxaa uu uga qeyeb galay munaasabadda Caleem-saarka Madaxweynaha dalka Uganda yoweri Museveni oo markii lixaad xilka loo dhaariyay, waxaana Garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
 
Madaxweynaha ayaa intii uu Kambaala ku sugnaa waxa uu kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemasaarka, Madaxweynaha Uganda yoweri Museveni iyo Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda, isaga oo ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here