Jowhar (Radio-Isnaay)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa niyad-jab weyn kala soo kulantay Levante oo ay marti u ahaayeen, taas oo ay lasoo gashay barbarro sababi kara in xilli ciyaareedkoodu qalbi jab ku dhamaado.
Xilli horyaalka Spain ee LaLiga ay laba ciyaarood oo kali ahi uga hadhsan yihiin, Barcelona ayaa u baahnayd in ay guuleysato si ay hoggaanka horyaalka ula wareegto, waxaanay waqti hore la yimaaddeen laba gool oo qaybtii hore ay dhaliyeen.
Laakiin qaybtii labaad ayay Levante ka dhalisay laba gool oo degdeg ah oo saddex daqiiqadood gudahood ay ku hubsatay shabaqa Barcelona, kuwaas oo fure u noqday dhibcaha ay lumisay Blaugrana.
Lionel Messi ayaa Barcelona u dhiibay hoggaanka daqiiqaddii 25aad ee qaybta hore, waxaanay xiddigaha kooxdiisu ugu dabbaal-dageen goolkan si weyn iyagoo aaminay in haddiiba ay waqtigan gool dhaliyeen ay sii wadan karaan goolasha.
Toban daqiiqadood kaddib ayay Barcelona ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana goolka labaad u dhaliiyey da’yarka khadka dhexe ee Pedri oo kubbad uu ka helay Ousmane Dembele hoggaanka ugu sii dheereeyey kooxdiisa.
Barcelona ayaa heshay fursado kale oo ay goolal ku dhalin karayeen qaybta hore, halka Levante ay ka liidatay dhamaystirka, waxaanay kusoo kala baxeen 2-0 qaybta hore.