Dowladda Soomaaliya oo xabsiga ka siidaysay 179 maxbuus

0
156

JOWHAR (Radioisnaay) Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiyada ka siidaysay Maxaabiis , kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga Dhaxe iyo Xabsiga MBC kasii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo kuwaasi oo madaxweynaha JFS uu u fidiyay Cafis munaasabadda Ciidda Awgeed.

Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in Maxaabiista maanta laga siidayay xabsiga ay ku eedeysanaayeen dambiyo kala duwan laakiin fudfud.

Waxaa uu tilmaamay in maxaabiista intii ay xabsiga ku jireen in la baray Waxyaabo ay kamid yihiin Farsamada gacanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here