AC Milan Oo Xasuuq Ba’an u Geysatay Kooxda Kubadda Cagta ee Juventus.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa garoonka San Siro dhex jiid-jiidday Juventus oo ay u dirtay kaalinta shanaad ee horyaalka Talyaaniga ee Serie A, xilli saddex kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

AC Milan ayaa kasoo aargoosatay Juventus oo kulankoodii bilowgii xilli ciyaareedka ee garoonka Allianz Stadium kaga soo badisay 3-0, waxaanay Milan isla natiijadii oo kale caawa ku xasuuqday Old Lady oo labadii qaybood ee ciyaarta ay goolasha ka kala dhalisay.

Daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore ayey AC Milan heshay goolka koowaad, waxaana u dhaliyey laacibka reer Spain ee Brahim Diaz oo amaah ay kaga soo qaateen Real Madrid.

Juventus oo isku hallaynaysay Cristiano Ronaldo ayaa maqane jooga ka ahaa labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana Milan ay bilowga qaybta dambe heshay rikoodhe kaddib markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Chiellini, waxaase gool ku laadkaas khasaariyey Franck Kessie.

Ante Rebic oo beddel kusoo galay ayaa AC Milan u dhaliyey goolka labaad daqiiqaddii 73aad ee ciyaarta, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu usoo dhiibay Ismael Bennacer oo uu waxba ka qaban kari waayey goolhaye Wojciech Szczesny.

Juventus ayaa heshay fursado aad u kooban, iyadoo si dhif ah ku gaadhaysay goolka Milan, waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyey la arkayay Paulo Dybala oo beddel kusoo galay oo kubadda bannaanka ka laadaya.

Difaaca reer France ee ay Milan amaahda kaga soo qaadatay Chelsea ee Fikayo Tomori ayaa goolka saddexaad madax ku dhaliyey goolka saddexaad, iyadoo uu madax ku qabtay kubbad uu soo qaatay Hakan Calhanoglu.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday AC Milan oo soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka waxaanay 72 dhibcood, halka Juventus ay u degtay kaalinta shanaad ee horyaalka iyadoo haysata 69 dhibcood.

Juventus ayaa waxa ka horreeya Inter Milan oo horyaalka ku guuleysatay, Atalanta oo labaad fadhida laakiin ay isku dhibco yihiin AC Milan iyo Napoli oo 70 dhibcood haysata.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here