Xildhibaan ka tirsanaa golaha Shacabka oo geeriyooday

0
193

JOWHAR (Radioisnaay) Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ahaa xubnaha ugu da’da weyn baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ku geeriyooday Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay geerida  Xildibaanka.

Marxuumka ayaa soo noqday RW ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda xukuumaddii RW Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004-tii.

Sidoo kale waxa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here