Shirkadda Tweeter oo Shaacisay Sababta ay u Xirtay Cinwaanka Kangaana Rinuut.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Twitter ayaa xirtay cinwaankii ay xiddigta Bollywood Kangana Ranaut ku lahayd kaddib markii ay atariishadu soo dhigtay qoraal loo arkay inuu yahay mid qalalaase kicinaya.

Qoraalkaas ayay Kangana ku weydiisay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi inuu “edbiyo” hoggaamiye ka tirsan mucaaradka isagoo adeegsanaya xeeladihiisii hoggaamineed ee “horaantii sanadihii 2000” – taasoo dad badan ay u fasirteen rabshadihii maareynayay ee dhacay xilligaas, ayna ku dhinteen dad kor u dhaafaya 1,000 oo u badnaa Muslimiin.

Farriinta Twitterka ee Ranaut ayaa si deg deg ah u abuurtay caro iyo hadal-heyn ku baahday baraha bulshada.

Maamulka shirkadda Twitter wali wax bayaan ah kama aysan soo saarin arrintan.

Laakiin wakiil ka tirsan shirkaddaas ayaa BBC-da u sheegay in Ranaut ay marar badan ku tumatay shuruucda Twitter iyadoo ku shaacisay hadallo naceynb abuuraya iyo hab dhaqanno kale oo xumaato ah.

Kangana oo la hadleysay warbaahinta ANI ayaa tallaabada ay Twitter qaadday ku tilmaantay cunsuriyad.

“Twiiter wuxuu caddeeyay arrintii aan horay u sheegay oo ahayd in ay yihiin Mareykan dhalad ah, qof caddaan ahna wuxuu aaminsan yahay inuu xukumo qof midabkiisu uusan caddaan ahayn, waxay doonayaan inay kuu sheegaan sida aad u fikireyso iyo waxa aad ku hadleyso ama sameyneyso.

“Waxaan leeyahay meelo badan oo aan codkeyga kusoo bandhigi karo, waxaana ka mid ah habkeyga gaarka ah ee wararka shaleemooyinka,” ayay raacisay hadalkeeda.

Ma aha markii ugu horreysay ee Ranaut ay dhalisay muran iyo hadal heyn. Markii ay ka baxday Bollywood-ka waxay shaacisay eedeymo la xiriira in shirkaddaas dhexdeeda uu ka jiro tacaddi qof jecleysi ah oo dadka shaqada la siiyo lagu kala xusho.

Laakiin durbadiiba waxay noqotay qof cod dheer oo laga dhex maqlo shirkadaha filimada dhexdooda iyo bannaankooda labadaba. Inta badan waxay baraha bulshada, sida Twitter iyo Instagram u adeegsataa gudbinta eedeymaha aan xaqiiqdooda la hubin, waxayna weerartaa dadkii jilista kala soo shaqeeyay iyo shakhsiyaadka caanka ah.

Waxay hadallo aflagaaddo ah horay ugu tiri atariishooyinka kala ah Sonam Kapoor, Urmila Matondkar iyo Deepika Padukonne.

Sidoo kale wuxuu dagaal adag dhex maray saaxiibkeedii hore Hrithik Roshan oo isagana ka mid ah atooreyaasha ugu magaca weyn Bollywood-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here