Chelsea Oo Finalka Champions League Kula Ballantay Man City, Real Madrid Oo Ay Sii Jiidhay Iyo Kante Oo Wacdaro Dhigay.

0
238

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa finalka kula ballantay Manchester City kaddib markii ay garaacday Real Madrid oo ay Stamford Bridge ugu dhiibtay 2 – 0.

Laba gool oo ay labadii qaybood kala dhaliyeen Timo Werner iyo Mason Mount ayay Chelsea ku xaqiijisatay in laba gool oo jawaab la’aan ah ay ku garaacdo Real Madrid, iyadoo finalka ugu gudubtay natiijo 3 – 1 ah marka la isku daro labadii lugood ee labada garoon.

Daqiiqaddii 28 aad ayaa kubbad uu birta ka jaray Kai Havertz waxa madax ku qabtay oo hoggaanka u dhiibay Chelsea Timo Werner oo bilowgii ciyaartana laga diiday gool uu hore oo offside ahaa oo uu saxeexay.

Chelsea ayaa heshay fursado badan oo ay goolal ka dhigi karaysay, halka Real Madrid ay laba fursadood oo kaliya heshay qaybtii hore, kuwaas oo Karim Benzema uu marna toogtay marna madax ku qabtay, isla markaana goolhaye Mendy isku kala bixiyey.

Qaybtii dambe ayuu Mason Mount dhaliyey goolka labaad ee Chelsea, waxaana kubaddaas oo uu ka helay Pulisic oo beddel kusoo galay uu ku qalbi-jabiyey Real Madrid oo marka horeba ay ku adkayd in ay ku dhowaato goolka Chelsea.

Tababare Thomas Tuchel ayaa farxad kula dabbaal-degay kooxdiisa Chelsea oo uu finalka keenay, iyadoo sannadkii horena uu finalka ku hoggaamiyey PSG oo iyaduna sannadkan semi-finalka ay ku reebtay Manchester City.

Finalka Champions League ayay Manchester City iyo Chelsea ku wada ciyaari doonaan magaalada Istanbul ee waddanka Turkey, gaar ahaan garoonka Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here