Kulanka Man City vs PSG – Shaqada Adag Ee U Taalla Poch,iyo Shaxaha Macquulka Ah.

0
194

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku qaabbilaysa PSG lugta labaad ee semi-finalka Champions League, iyadoo isha kusii haysa magaalada Istanbul oo ay ka dhacayso ciyaarta finalka.

Kooxda reer England ayaa ciyaartii hore kusoo badisay 2-1 iyadoo joogta Paris, waxaana gool uu waqti hore PSG u dhaliyey Marquinhos ka daba yimid Kevin de Bruyne iyo Riyad Mahrez oo kooxdooda guusha ku hoggaamiyey.

Labada kooxoodba waxay kulankan yimaaddeen iyagoo guulo kasoo hooyey kulamadii maxalliga ahaa ee horyaalladooda ee Sabtidii. City ayaa 2-0 kusoo muquunisay Crystal Palace, halka ay PSG 2-1 kaga badisay Lens, isla markaana soo noolaysay rajada ay ka qabaan in horyaalka Ligue 1 ay difaacan karaan.

Tababare Pep Guardiola ayay kooxdiisu dhibaato dhadhaqamisay qaybta hore ee ciytaartii Parc des Princes, markaas oo PSG ay gool dhalisay, fursado kalena iska khasaariyeen, laakiin qaybtii dambe ayay City awood layaable lasoo baxday iyagoo kubadda ka dhaariyey Neymar iyo Mbappe oo ay kooxda reer France wax ka sugaysay, taas oo ay waliba ugu sii dareen laba gool oo shan daqiiqadood gudahood ay dhaliyeen De Bruyne iyo Mahrez iyo waliba kaadh cas oo uu ku baxay Gueye.

Xaqiiqada ah in ay kooxiba qayb maamulaysay ciyaarta ayaa halkeeda taalla, laakiin sida ay fursadahooda uga faa’iidaysteen ayay is-dheeraayeen, waxaana gacanta sare yeelatay City oo caawana garoonkeeda loogu imanayo.

Kubbad-sameeyaha reer Belgium ee Kevin de Bruyne ayaa goolka uu kooxdiisa ugu aftaxay uu ahaa nasiib, waxaanay kubaddu goolka gashay iyadoo uu Keylor Navas xisaab qaldan isku-geystay, una qaatay in kubaddu aanay goolka ku socon ee ay ciyaartoyda kale u tegay, taas oo keentay in kubaddu dhulka ku dhacdo, iskana gasho goolka. Goolka labaad ayuu Mahrez kubadda ka dhex-saaray Leandro Paredes iyo Presnel Kimpembe oo laad xor ah isku-dhigayay/

PSG ayaa wax jawaab ah qaybta dambe ka weyday Neymar iyo Mbappe oo sidii laacibiin soo daawasho tegay garoonka u dhex-taagnaa, laakiin qaybta hore ayuu xiddiga reer Brazil ee Neymar aad u cad-caddaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here