“Dhamaan Saaxiibbadaydii Way Wada Dhinteen…” – Andriy Shevchenko Oo Arrin Murugo Leh Soo Bandhigay.

0
230

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Andriy Shevchenko ayaa daboolka ka qaaday sheeko murug leh oo ku habsatay, taas oo aanay inta badan dadku ka war qabin.

Laacibkan hore ee reer Ukraine ayaa xirfaddiisa ciyaareed waxay kusoo kacaantay kooxda Dynamo Kiev ee waddanka Ukraine, halkaas oo ay AC Milan kasoo iibsatay badhtamihii 90meeyadii, waxaanu kooxda Talyaaniga la qaaday koobab badan illaa dhamaadkii cimrigiisa uu usii dhaafay Chelsea.

Andriy Shevchenko ayaa soo saaray buug uu ka qoray taariikh nololeedkiisii oo uu ugu magac daray ‘La mia vita, il mio calcium‘, kaas oo uu kaga sheekeeyey qisooyin murugo leh oo soo maay.

1986kii, Ukraine waxay qayb ka ahayd waddanka Midowga Soviet, waxaana waqtigaas dhacday masuiibadii Chernoblyl oo ka dhacday meel 200 kilomitir u jirta halkii uu Shevenko kusoo koray.

Musiibada Chernobyl ayaa waxay ahayd qarax nukliyeer oo si shil ah u dhacay oo dad badan galaaftay, isla markaana shucaacii ka dhashay uu sameeyey qaybo badan oo bariga Yurub ah.

Shevchenko oo ka hadlay ayaa yidhi: “Toban sannadood ayaan jiray, waxa aan ku waallaa in aan kubadda ku ciyaaro meel walba, waxay i geeyeen akaademiyadda Dynamo Kiev. Kaddib waxa dhacay qaraxii dhamaantoodna way ku dhinteen.

Wali waxaan dareemayaa xanuunka, basas ka yimid Midowga Soofiyeet ayaa noo yimid, waxaanay na qaadeen carruurta ay da’doodu u dhaxaysay 6 illaa 15. Anigu 1,500 kilometer ayaan ka fogaa gurigayaga, waan xasuustaa waxay ila ahayd sidii aan filim ku dhex jiro.”

Musiibada ayuu kasii hadlay, waxaanu yidhi: “Deriskaygii way sii yaraadeen oo yaraadeen, dhamaan saaxiibbadaydii way dhinteen, kumay dhimanin nukliyeerka laakiin waxa dilay alkohol, doroogo iyo dhibaatooyinka hubka.”

Sababta asxaabtiisu u dhinteen ayuu ku sheegay in ay tahay nolosha adag oo ku kalliftay in ay isticmaalaan maandooriyeyaal nafahooda galaaftay.

Isagoo sharraxaya sidii uu ku badbaaday ayuu yidhi: “Kaliya waalidkay oo jeclaa kubadda cagta ayaa i badbaadiyey aniga.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here