War Lama Filaan Ah Oo Kasoo Kordhay Dhaawacyada Real Madrid Kahor Kulanka Chelsea.

0
205

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib markii ay xalay guul 2-0 ah ka gaadheen kooxda Osasuna oo marti u ahayd, Real Madrid ayaa isha ku haysa kulanka lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League ee ay Arbacada Stamford Bridge ku booqanayaan Chelsea.

Kabtanka kooxda ee Sergio Ramos iyo Ferland Mendy ayaa labaduba sameeyay tababaro gaar ah, wararka hadda la helayo ayaa sheegaya in labada xiddigba ay taam u yihiin ciyaarta Blues iyadoo waliba markii hore shaki badan laga qabay taam ahaanshaha Mendy waana warka lama filaanka ah ee cusub.

Khadka dhexe ee Federico Valverde oo kulanka Chelsea booska daafaca midig kusoo bilaaban kara ayaa wali sugaya natiijada baadhitaankii Korona Fayras ee maanta laga qaaday.

Saxaafada Spain ayaa qaarkood aaminsan in Zidane uusan ciyaarta Chelsea ku tashanayn Valverde taasina ay tahay sababtii uu xalay ciyaartii Osasuna u nasiyay Luka Modric iyo Toni Kroos.

Daafaca dhexe ee Raphael Varane oo isaguna xalay dhaawac lugta midig ah uga baxay kulankii Osasuna ayaa baadhitaan lagu samayn doonaa Isniinta berrito ah balse waxa jira warar hordhac ah oo qisha inuusan ciyaarta Chelsea kasoo gaadhi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here