Wasaaradda Arimaha Dibadda Iiraan oo Raaligalin  Bixisay.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran ayaa raaligalin ka bixiyay ka dib markii uu soo baxay cajalad laga duubay taasi oo uu ku cambaareynayo abaanduulihii geeriyoodey ee sida wayn looga qadariyo dalka Iran ee Qasem Soleimani.

Javad Zarif ayaa sheegay in uu rajeynayo in dadka reer Iran iyo gaar ahaan qoyska Soleimani ay iska cafin doonaan.

Cajaladan ayuu Mr Zarif waxaa uu ka hadlayaa halista waxa uu ku tilmaamay faragalinta uu shaqadiisa ku hayay Qasem Soleimani iyo saraakiisha kale ee ciidamada awoodda badan ee ilaalada kacaanka Iran.

Dadka lafa-gura arrimaha Iran ayaa sheegaya in Qasem Soleimani oo ay mareykanka ku dileen duqeyn uu ahaa nin si wayn looga qadariyo dalka Iran.

Waxay u arkaan madaxda Iran in uu ahaa nin aan la cambaareyn Karin oo ay aad u qadariyaan.

Hadalka codka sirta ah ee dadwaynaha loo so dusiyay ee Mr Zarif ayaa waxaa uu dhaliyay muran badan.

Cajalad maqal ah oo laga soo duubay wasiirka arrimaha dibedda Iran, Javad Zarif, ayaa soo baxday taas oo laga maqli karo isagoo dhaleeceynaya Ilaalada Kacaanka Iran, wuxuu sheegay in iyaga ay sii adkeenayaan dadaalada diblomaasiyeed ee xukuumadda Tehran.

Mr Zarif wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay General Qassem Soleimani – oo ahaa taliyihii militariga ee awooda badnaa ee lagu dilay weerarkii Mareykanku ku qaaday magaalada Baqdaad sanad iyo bar ka hor.

Wasiir Zarif wuxuu sheegay in Janaraal Qaasim Sulaymaani uu Iran geliyay dagaalka Suuriya si ay u caawiso Ruushka.

Zarif ayaa sidoo kale la maqlayay isagoo si isdaba joog ah u dhaleeceynaya dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov, isagoo ku eedeeyay in xukuumadda Moscow ay markasta isku dayeysay inay joojiso heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii ee lala galay Reer Galbeedka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa sheegtay in codka cajaladda la jarjaray.

Wareysiga ayaa la sheegay in la duubay bishii Maarso waxaana loogu talagalay in la sii daayo marka maamulka Xasan Rouhani uu xafiiska ka tago dabayaaqada sannadkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here