Manchester United iyo Liverpool oo ku Ballansan Garoonka Old Trafford

0
186

Jowhar (Radio-Isnaay)- Manchester United iyo Liverpool ayaa garoonka Old Trafford ku ballansan kulan ay wax badan kaga xidhan yihiin Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa oo haddii ay guuleysan waayaan ay si dhab ah u xaqiiqsanayaan in ay ka ciyaari doonaan Europa League xilli ciyaareedka dambe.

Manchester United ayaa sidoo kale, haddii laga badiyo, waxay taasi soo dedejin doontaa in Man City ay isla maanta ku guuleysato horyaalka Premier League iyadoo guryahooda joogtana loo xaqiijin doono.

Manchester United hal mar oo kaliya ayay guul-darraysatay 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee  ee ay Liverpool kula ciyaartay Old Trafford, waxaanay badisay 10 mar iyo afar barbarro ah. Liverpool ayaan wax guul ah ka helin siddeeddii kulan ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ee ay tagto Old Trafford, waxaana ugu dambaysay March 2014 in ay guul kasoo hesho.

Liverpool laba ciyaarood oo isku xiga guul-darro kalama kulmin Manchester United tan iyo xilli ciyaareedkii 2014/15, markaas oo afar ciyaarood oo isku xiga ay Man United ka badisay.

Manchester United waxay ka badbaadday guul-darro labadii kulan ee xilli ciyaareedkan ay ka hor tagtay Liverpool, iyadoo marna guuleysatay marna barbarro gasho, waana markii ugu horreysay ee ay saddex jeer ka hor yimaaddaan Liverpool ee aanay guul-darro la kulmin tan iyo xilli ciyaareedkii 1998-99 oo laba mar ay badiyeen marna ay barbarro galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here