Kulanka Real Madrid vs Osasuna iyo Los Blancos Oo Guul Qasab Ah U Baahan Si Ay Horyaalka Ugu Dagaallanto.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa u dagaallami doonta sidii ay ugu soo noqon lahayd jidka guusha iyo hoggaanka horyaalka LaLiga, marka ay caawa garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku martigeliso Osasuna.

Los Blancos ayaa Sabtidii waxay barbarro goolal la’aan ah wada galeen Real Betis, waxaana ugu xigtay Chelsea oo ay 1-1 ku kala baxeen lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Tababare Zinedine Zidane ayay kooxdiisu hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah ula wareegi doontaa haddii ay guuleysato caawa haddii Atletico oo galabnimada ciyaaraysa ay guuleysan weydo, halka ay ka baxsan doonaan Barcelona oo ay isku dhibco yihiin balse kaalinta saddexaad fadhida.

Osasuna ayaa iyaduna xilli ciyaareedkani uu u yahay mid aan habaar ku ahayn oo aanay halis badan daaqaynin, waxaanay fadhidaa kaalinta 11aad, waxaanay toban dhibcood ka sarreeyaan kooxda kaalinta 18aad fadhida ee khadka cas ku jirta.

Tartanka horyaalka LaLiga oo xilli ciyaareedkan aad loogu dagaallamayo, waxa kale oo hirdanka ku jirta Sevilla, laakiin kooxdan ayaa ku jirta naadiyada u hadhay Getafe.

Dhinaca kale, Osasuna ayaa Alfredo Di Stefano imanaysa iyadoo guul-darro 2-1 ah kala soo kulantay Celta Vigo Axaddii, waxanay 33kii ciyaarood ee LaLiga ee ay dheeshay ay guuleysatay 10 ka mid ah, 10 kale oo barbarro ah iyo 13 laga badiyey, taas oo kadhigan in ay haystaan 40 dhibcood kuna jiraan kaalinta 11aad.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Osasuna

Tartanka: LaLiga, kulamada 34aad

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here