Dab ka kacay Xaafad ka mid ah degmada Yaaqshid

0
200

JOWHAR (Radioisnaay) Dab xooggan ayaa daqiiqado ka hor ka kacay goobo ganacsi oo kuyaala isgoyska Jiira garoob , degmada yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Goobaha debka uu ka kacay ayaa ah biibitooyin iyo dukaamo ganacsi , waxaana daqiiqad walba sii xoogeysanaya debka .

Fiilooyinka korontada ee halkaas kuyaala ayaa waxa ay yihiin kuwo debka sii faafinaya mana jirto wax gurmad deb damis ah oo halkaasi gaaray.

Qaar ka mid ah dadka deganka ayaa Radio isnaay u sheegay in ay la tacalayaan daminta dabkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here