Manchester City Oo Guul Dahabi Ah Kasoo Gaadhay 10 Ciyaartoy Oo PSG Ah & City Oo Lug Lasii Gashay Finalka.

0
201

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay PSG oo lugta hore ee semi-finalka Champions League ay ugu tagtay Parce des Princes, iyadoo kusoo badisay 2-1.

PSG oo qaybtii dambe ku dheelaysay 10 ciyaartoy ayaa qaybtii hore la hormartay gool uu madax ugu dhaliyey Marquinhos kaddib fursado dahabi ah oo ay iska lumiyeen.

Manchester City ayaa qaybtii dambe awood lasoo laabatay, waxaanay dhashatay gool aad u fududaa oo uu si kama’ ah u dhaliyey Kevin de Bruyne oo shabaqa taabsiiyey kubbad uu ugu talo-galay in uu madax u saaro ciyaartoyda kooxdiisa, taas oo dhulka kusii dhacday, goolkana iska gashay.

Riyad Mahrez ayaa laad xor ah guusha ugu go’aamiyey kooxdiisa daqiiqaddii 71aad, iyadoo uu kubadda ka dhex-saaray labada ciyaartoy ee PSG ee Paredes iyo Kimpembe oo isku dhigayay. Labada gool ee Manchester City ayaa yimid toddoba daqiiqadood gudahood.

PSG oo aad looga awood badnaa qaybta dambe ayaa noqotay 10 ciyaartoy kaddib markii kaadh cas oo toos ah lagaga saaray Iddrissa Gueye oo qalad xun ku galay Ilkay Gundogan.

Labada kooxood ayaa Salaasada soo socota waxay lugta labaad ku wada ciyaari doonaan Etihad Stadium, halkaas oo City marti loogu noqonayo iyadoo haysata faa’iido ah in ay garoonkii martida kusoo badisay.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY XI (4-3-1-2): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Ruben Dias, Joao Cancelo; Ilkay Gundogan, Rodrigo, Bernardo Silva; Kevin De Bruyne; Riyad Mahrez, Phil Foden.

Kaydka: Oleksandr Zinchenko, Raheem Sterling, Zack Steffen, Fernandinho, James Trafford, Benjamin Mendy, Ferran Torres, Aymeric Laporte, Sergio Aguero, Eric Garcia, Nathan Ake, Gabriel Jesus.

PARIS SAINT-GERMAIN XI (4-2-3-1): Keylor Navas; Alessandro Florenzi, Marquinhos, Presnel Kimpembe, Mitchel Bakker; Leandro Paredes, Iddrissa Gueye; Angel Di Maria, Marco Verratti, Neymar; Kylian Mbappe.

Kaydka: Colin Dagba, Abdou Diallo, Julian Draxler, Rafinha, Mauro Icardi, Sergio Rico, Ander Herrera, Layvin Kurzawa, Thilo Kehrer, Moise Kean, Pablo Sarabia, Danilo Pereira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here