Erdugan oo Noqday Hogaamiyaha  loogu Jecelyahay Dunida Carabta.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maqaal uu qoray wariye David Gardner oo ay daabacday Jariiradda ‘Financial Times’ ayaa ciwaan looga dhigay “Xulashada Erdogan ee ah hogaamiyaha ay ugu jecel yihiin shucuubta Carabta waxay muujineysaa daciifnimada madaxda gobolka.

Qoraaga wuxuu ku bilaabayaa maqaalkiisa ka hadalka caannimada Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ee ah inuu yahay hogaamiye hayay xukuma dalkiisa Turkiga muddo ku dhow labaatan sano.

Laakiin wuxuu xusay in caannimada “ay meesha ka saarayso xukunkiisa kali-taliska ah iyo awood siinta dhanka dhaqaalaha ah ee taageerayaashiisa muxaafidka ah.

Maqaalka ayaa lagu xusaya in ra’yi ururin laga sameeyay wadamada Carabta oo la daabacay toddobaadkii la soo dhaafay lagu sheegay in Erdogan uu yahay “hogaamiye si aad ah looga yaqaanno” dunida Carabta.

Qoraagu wuxuu sheegayaa in laga yaabo in la isku khilaafo arrintan. Balse inbadan waxay rumeysnaayeen in taliye Turki ah, oo dhaxlay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee maamuli jirtay Dunida Carabta, in kabadan afar qarni, uusan ku naaloon karin heerkan Carabnimo.

Haddaba ka warran haddii taliyahaas uu yahay Erdogan? Himilooyinkiisa cusub ee Cusmaaniyiinta “waxay ka muuqdaan khariiradado faahfaahinaya sheegashooyinka Turkiga ee aagagga dhulka Suuriya iyo Ciraaq,” wuxuuna qabsaday afar gobol oo ku yaalla woqooyiga Suuriya tan iyo sanadkii 2016-kii.

Qoraaga ayaa intaa ku daray in hay’adda aftida qaaday ee “Arab Barometer”, ay inta badan soo bandhigto in Erdogaan uu yahay qofka loogu jeclyahay Bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka Carabta.

Si ay u caddeyso hay’addu arrintaan, waxay afti la xiriirta jaceylka Erdogan ka qaaday in ka badan 20 kun oo qof.

Dadka uu xifaaltanka kala dhaxeeyo, sida Maxamed Binu Salmaan-ka Sacuudiga iyo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei, aad ayay uga hooseeyaan marka laga barbar dhigo madaxweynaha Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here