Real Madrid Iyo Chelsea Oo Barbarro Ku Dhamaystay Lugta Hore Ee Semi-finalka.

0
275

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa barbarro muhiim u ah kasoo heshay Real Madrid oo ay ugu tagtay waddanka Spain lugta hore ee semi-finalka Champions League iyagoo kusoo kala baxay 1-1.

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay inta badan maamulaysay Chelsea ayay kooxda reer London iska lumisay fursado badan oo caddaan ah oo bilowga qaybtii horeba ciyaarta ku dili karaysay.

Daqiiqaddii 14aad ayay Chelsea heshay gool ay u qalmaysay oo uu u saxeexay Christian Pulisic oo xerada ganaaxa ugu jaray Thibaut Courtois xilli difaacuna ay goolka u weydaarteen, waxaanu ciyaarta ka dhigay 1-0.

Pulisic ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee u dhashay Maraykanka ee gool ka dhaliya semi-finalka Champions League iyo laacibkii ugu da’da yaraa ee Chelsea u dhaliya gool semi-finalka Champions League ama finalka intaba, waxaanu rikoodhkaas kala wareegay Ramires oo Barcelona ka dhaliyey gool sannadkii 2012 isagoo 25 jir ah.

Karim Benzema ayaa gool qurux badan ku barbarreeyey ciyaarta, waxaana kubbad uu uu Marcelo ku dhex-tuuray xerada ganaaxa madax kusoo celiyey Casemiro, taas  oo u timid Eder Militao oo isaguna madax kale kusii raaciyey, ka hor intii aanay u tegin Benzema oo shaf ku qabsaday isagoo dhinaca kale usii jeeda, laakiin si dhinac ah kubadda ugu toogtay goolka Chelsea oo ka dambeeyey.

Benzema ayaa helay fursad kale oo qaali ahayd, waxaanu birta u garaacay Chelsea ka hor intii aanu goolka dhalin.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaanay lugta labaad wada ciyaari doonaan Arbacada usbuuca dambe oo ay garoonka Stamford Bridge ee Chelsea ku kulmi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here