Kulanka PSG vs Man City – Xogta Kulamadoodii Hore Iyo Wararkii U Dambeeyey.

0
284

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Riyo ayay u tahay labada kooxood ee Paris Saint-Germain iyo Manchester City in ay ku guuleystaan tartanka Champions League oo aanu midkoodna hore u calfanin, waxayse riyadeedu wareegga semi-finalka ku dhamaan doontaa midkooda maadaama ay iyagu wada ciyaaraan oo midna gurigeeda ku laabanayso midka kalena ay finalka tegi doonto.

PSG ayaa garoonkeeda Parc des Princes waxay caawa ku qaabbilaysaa Manchester City lugta hore ee semi-finalka tartanka Champions league iyadoo usbuuca xigana ay Salaasada soo socotana iskugu tegi doonaan Etihad Stadium.

Les Parisiens ayaa wareeggii siddeedda kusoo jiidhay Bayern Munich oo ay kaga soo gudbeen goolka ay bannaanka kusoo dhaliyeen, halka Manchester City ay usoo xoog sheegatay Borussia Dortmund oo ay 4-2 kusoo jiidhay.

Labada kooxoodba waxay usbuucan guulo kasoo gaadheen kulamadii tartamadooda maxalliga ah, iyadoo City ay ku guuleysatay koobka EFL Cup oo ay Tottenham ka qaaday Axaddii, halka PSG ay 3-1 kusoo jiidhay Metz.

Xogta kulanka

Ciyaarta: PSG vs Manchester City

Tartanka: Semi-finalka Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Parc des Princes

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here