UEFA Oo Baadhitaan Ku Bilowday Zlatan Ibrahimovic Iyo Dembiga Uu Sameeyey Ee Ciyaaraha Lagaga Mamnuucayo.

0
230

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa baadhitaan ku bilaabay weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic, waxaana suurtogal ah in gebi ahaanba laga mamnuuco ciyaaraha.

Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu eedaynayaa in uu leeyahay shirkad khamaar oo uu lacago badan ka sameeyo, taas oo gebi ahaanba mamnuuc ka ah in ciyaartoyda iyo bahda isboortiguba ay ku lug yeeshaan.

39 jirkan oo toddobaadkii hore saxeexay heshiis cusub oo sannad ah oo uu ku kordhiyey qandaraaskiisa AC Milan oo xilli ciyaareedkan uu u dhaliyey 15 gool 17 ciyaarood oo horyaalka Serie A ah, ayaa waxay UEFA shaacisay in guddida anshaxu ay bilaabeen baadhitaan la xidhiidha arrintan.

War-saxaafadeed ay UEFA soo saartay maanta ayay ku sheegtay in ay jirto suurtogalnimo ah in Zlatan Ibrahimovic  uu jabiyey sharciga kubadda cagta, isla markaana Isniintii maanta la magacaabay guddida ku samaysa baadhitaan.

Sharciga ayaa dhigaya in ciyaartoyga samaysta shirkad khamaar amaba si uun uga hela dhaqaale, uu mutaysan doono ganaax saddex sannadood ah oo ciyaaraha laga joojiyo iyo waliba ganaax lacageed.

Shirkadda uu Zlatan Ibrahimovic  samaystay oo lagu magacaabo Bethard, ayaa waxa la sheegay in sannadkii uu ka helo lacag aad u badan.

Wargeyska Aftonbladet ayaa bishii hore warkan bannaanka keenay, waxaana uu Ibrahimovic ka mid yahay saamiileyaasha isagoo boqolkiiba 10 iska leh shirkaddan oo saldhiggeedu yahay waddanka Malta. Waxa kale oo jirta shirkad kale oo lagu magacaabo AB oo iyaduna khamaarka ah oo uu Zlatan Ibrahimovic qayb ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here