Nin Muddo 32 Sano Jasiirad lama Degaan ah ku Noolaa oo Hadda Khasab looga Guurinayo.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin Talyaani ah ayaa ka guuraya jasiirad uu ku noolaa in ka badan 30 sannadood ka dib cadaadis uga yimid maamulka.

Mauro Morandi, oo 81 jir ah wuxuu jasiiradda Budelli oo ka baxsan waqooyiga Sardinia u guuray sannadkii 1989.

Si kastaba ha noqotee, Sanadkii la soo dhaafay, Mr Morandi wuxuu sheegay in milkiilayaasha jasiiradda oo caan ku ah xeebteeda casaanka ah, ay doonayeen inuu meel kale u guuro.

“Waan guuraya anigoo rajeynaya in mustaqbalka jasiiradda Budelli loo ilaalin doono sidii aan u ilaalinayay 32 sannadood,” ayuu ku qoray Facebook Axadii.

Isaga oo lahadlaya BBC Outlook sanadii 2018, macalinkii hore ee barashada jimicsiga wuxuu sheegay in uu “waligiis xoogaa mucaarad ahaa”.

Waxaan aad uga dheregsanaa waxyaabo badan oo ku saabsan bulshadeena: adeegsiga iyo xaalada siyaasadeed ee Talyaaniga, ayuu yiri Mr Morandi.

“Waxaan go’aansaday inaan u guuro jasiirad lama degaan ah oo ku taal Polynesia, kana fog ilbaxnimada oo dhan. Waxaan doonayay inaan bilaabo nolol cusub oo aan kaga agdhowaanayo nolosha dabiiciga ah.”

Markii ay safarkooda ka bilaabeen dhinaca badda, isaga iyo dhawr saaxiibadii ah waxay ka degeen jasiiradaha Talyaaniga ee La Maddalena, halkaasoo ay qorsheynayeen inay ka shaqeeyaan oo ay ka helaan lacag ay ku maalgeliyaan inta ka harsan safarkooda.

Hase yeeshee markii uu yimid jasiiaradda Budelli oo uu la kulmay ilaaliyaha jasiiradda oo qarka u saarnaa in uu howlgab noqdo, Morandi waxa uu go’aansaday in uu joogo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here