Manchester United Oo Heshiis Cusub Ka Saxeexday Mid Ka Mid Ah Xiddigihii La Filayay In Ay Ka Tagaan Xagaagan.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshiis cusub ka saxeexday difaaca reer Ivory Coast ee Eric Bailly, kaas oo qalinka ku duugay qandaraas  uu kusii joogayo Old Trafford illaa sannadka 2024.

Eric Bailly oo shan sannadood oo uu joogay Manchester United inta ugu badan ku qaatay dhaawac, ayaa lala xidhiidhinayay in uu ka bixi doono United xagaagan iyadoo qandaraaskiisuna dhacayo sannad kaddib, laakiin laacibkan ayaa ogolaaday in uu laba sannadood oo kale kusii kordhiyo heshiiskiisa.

Kaddib markii uu saxeexay heshiiska, Eric Bailly ayaa warbaahinta u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay go’aanka ay isla gaadheen Manchester United ee ah in uu sii joogo, kaas oo uu xusay in uu si shaqsi ah u doonayay in uu kooxdan kasii mid ahaado.

“Aad ayaan u faraxsanahay. Go’aankani wuxuu ahaa mid aanan ka fikirin, waan jecelahay kooxdan iyo in aan u ciyaaro Manchester United.” Ayuu yidhi Eric Bailly.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Eric Bailly intaas ku daray: “Anigu waan faraxsanahay, sidoo kalena qoyskayga ayaa faraxsan, wax kastaaba way fiican yihiin. Hadda waa lasoo dhaafay waqtigii dhaawacyada, waxaanan ahay taam anigoo dareemaya fiicnaan. Heshiiskan cusub waa sidii tartan cusub, diyaar ayaanan u ahay.”

Ciyaartii ugu dambaysay ee Bailly uu ugu soo bilowdo Manchester United ayaa ahayd wareeggii siddeedda tartanka Europa League ee ay 1-1 ku kala baxeen lugtii hore, laakiin intii ka dambaysay ayuu marna dhaawac ku maqnaa marna Korona Fayras, waxaase uu rajaynayaa in uu kusoo bilaaban doono ciyaarta Khamiista ee semi-finalka Europa League ee ay la ballansan yihiin Roma.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isaguna warbaahinta la hadlay waxaanu soo bandhigay sida uu ugu faraxsan yahay in Bailly uu qandaraas cusub saxeexay, isagoo yidhi: “Waan ku faraxsay in Eric uu heshiis cusub saxeexay. Wali wuxuu ku jiraa barasho iyo is-horumarin waqtiga oo dhan intii aan anigu tababara  ahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here