Tirada Siyaasiyiinta Aan Muslimka ahayn ee Soomaya Bisha Ramadaan oo Korortay.

0
189

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rehan Jayawickreme oo ah siyaasi da’yar oo matala xisbiga mucaaradka ee ugu caansan Sri Lanka, ayaa 13-kii April ku dhawaaqay arrin la yaab leh.

“Waxaan aaminsanahay diinta ‘Budhist’ waxaanna isku dayaa in aan ayido falsafada diinteyda ay i fareyso,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan si xiiso leh u rajaynayaa walaalahayga Muslimiinta ah in aan la soomo bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxayna ii noqoneysaa marki iigu horreysaye iigu hambalyeeya”.

Ninkan ayaa ah guddoomiyaha golaha magaalada Koonfurta Sri Lanka ku taalla ee Weligama. Wuxuu sheegay in tan iyo bilowgii bisha Soon in uu iska gooyay cunnada iyo cabitaanka.

Sannadkan, Muslimiinta Sri Lanka ee laga tirada badan yahay waxay billaabeen inay soonkooda sannadlaha ah la soomaan bulshooyinka Sinhala iyo Tamil.

Balse shacabka Sri Lanka oo diimo kala duwan aaminsan, ayaa aad uga argagaxay weerar ay mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen kaniisad ku taalla dalkaas, laba sana ka hor, ayna ku dileen 270 qof.

Siyaasigan aaminsan diinta Budhist wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay ee ah inuu soomo bisha barakeysan ee Ramadaan, uu uga gol leeyahay inuu wax ka bedelo aragtida khaldan ee muslimiinta laga qaatay weerarka kaniisadda loo geystay ka dib.

Rehaan Jayawickreme farriinta uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay waxaa ka falceliyay dad aad u badan iyaga oo go’aanka siyaasiga soo dhaweeyey. Dhankiisa wuxuu sheegay in qof aan Muslim ahayn uu soomo bisha Ramadan in uusan isaga uga horreynin oo ay dad badan uga horreeyeen.

Marianne David, oo ah wariye ka howlgasha caasimadda Sri Lanka ee Colombo, waxay iyaduna ka dhawaajisay in ay sooman tahay, iyada oo aan muslim ahayn in mudda ah inay Ramadanka soo soomeysay.

“Waxaan aaminsanahay madhabta Katolic, balse bisha Ramadan waan soomaa. Soonkana waxaad ku yeelaneysaa nadaafad, wacyi wanaagsan, damqasho iyo anshax. Nasiib wacan!” ayey tiri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here