Real Madrid Oo Heshay Xogtii U Dambaysay Ee Dhaawacyada Toni Kroos & Ferland Mendy.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa bilowday diyaaar-garowga kulanka adag ee semi-finalka Champions League ay kula ballansan yihiin Chelsea, taas oo lugta hore ay wada ciyaari doonaan Salaasada.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaan iska luminin wax fursad ah, waxaana iyagoo xalay ciyaaray ay haddana saaka yimaaddeen tababarka si ay iskugu diyaariyaan semi-finalka Champions League.

Tababarkii saaka ayaa farxad u ahaa Zinedine Zidane, waxaana uu dib u helay xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos oo dhaawac kaga maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dabeeyey.

Kroos oo toddobaadkii hore qolka jimicsiga ku qaatay ayaan qayb ka noqonin kulamadii Getafe, Cadiz iyo Real Betis, waxaase uu tababarka buuxa kusoo laabtay saaka, taas oo ka dhigan in uu diyaar u yahay ciyaarta Chelsea haddii aanay wax kale ku dhicin.

Kubbad-sameeyahan oo ahaa xiddigii furaha u ahaa guushii Real Madrid ay ka gaadhay Liverpool wareeggii siddeedda ayaa kusoo bilaaban doona kulanka Chelsea, haddii uu tababarka sii wato Isniinta.

Laakiin Real Madrid ayaan wali dib u helin difaaca bidix ee Ferland Mendy oo dhaawac muruqa ah u jiifa, waxaanay u muuqataa in aanay macquul ahayn in lugta hore ee Chelsea uu ciyaaro.

Nacho ayaa buuxin doona booska difaaca bidix haddii uu Mendy sidaas ku maqnaado, iyadoo uu kaydkana ku jiri doono Marcelo oo ciyaartiisu hoos u dhacday.

Difaaca bidix ee reer Brazil ee Marcelo ayaa kaydka fadhiyey ciyaartii Real Betis, waxaanu beddel kusoo galay waqti dambe.

Dhinaca kale, Fede Valverde oo uu ku dhacay Korona fayras ayaan fursad u heli doonin ciyaartan oo ka maqnaan doona maadaama aanu wali dhamaysanin waqtigii karantiilka. Waxa kale oo maqnaan doona Sergio Ramos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here