Real Madrid Oo Barcelona Iyo Atletico Fursad U Siisay Horyaalka LaLiga.

0
190

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah kula wareegi lahayd, waxaanay barbarro goolal la’aan ah la gashay Real Betis oo ugu timid Alfredo Di Stefano.

Los Blancos ayaa u baahnayd in ay guuleysato si ay dhibco ahaan ula sinnaato Atletico Madrid oo ay xisaab ahaan kaga sare mari lahayd, waxaase ciyaar adag kala hortimid Real Betis oo xataa ku dhowaatay in ay saddexda dhibcood ee ciyaarta hesho.

Kulankan oo Real Madrid ay dib u heshay Eden Hazard oo muddo kaddib beddel kusoo galay iyo Luka Modric oo isagoo kasoo laabtay dhaawac uu kulankii hore ku seegay kusoo bilowday ayaa waxay jabin kari weyday difaac adag oo ay Betis lasoo shir-tagtay.

Real Madrid ayaa qaybtii hore heshay fursad fiican oo uu Karim Benzema goolka Betis ku ekeeyey kubadda isagoo ku jira xerada ganaaxa, waxaase ka joojiyey goolhaye Claudio Bravo.

Real Betis ayaa qaybtii dambe heshay fursaddii ugu fiicnayd ciyaarta oo dhan, waxaana isku kaliyeystay Sergio Canales iyo goolhaye Courtois kubbad ka timid dhinaca midig, laakiin Courtois ayaa kusoo baxay oo kubadda xabbadka u dhigtay, ka hor intii aanu Luka Modric ka saarin.

Real Madrid ayaa birta garaacday qaybta dambe, iyadoo kubbad la filayay in Rodrygo uu usoo jabiyo Karim Benzema oo uu madax u saaro uu ku toogtay goolka oo uu birta kasoo jaray, taas oo markii ay dib usoo noqotayna ay heleen difaaca Betis.

Vinicius Junior oo beddel kusoo galay ayaa lumiyey fursad dahabi ahayd, halka Eden Hazard uu isaguna baas bixiyey kubbad ay ahayd in uu ku toogto goolka, taas oo Vinicius oo uu u dhiibay uu la kufay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Real Madrid ay laba dhibcood ka dambayso Atletico Madrid oo aan wali ciyaarin, hoggaankana haysa, halka Barcelona oo laba kulan baaqi u yihiinna ay ka horreeyaan saddex dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here