Magaalo ku Taala Hindiya oo ay Adkaatay In Bukaanada ay Neefsadaan.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hindiya ayaa diiwaan gelisay rikoodh cusub oo adduunka ah oo ku saabsan cudurrada maalinlaha ah ee coronavirus maalintii afraad oo xidhiidh ah, taas oo culeys dheeraad ah saareysa isbitaallada ay dhibaatooyinka darani ka jiraan.

Waxay diiwaan gelisay 349,691 kiis oo kale Axadii, taasoo wadarta ka dhigeysa ku dhowaad 17 milyan tan iyo markii uu cudurku bilaabmay.

Waxaana si guud xaaladda maraysaa in dad badan oo Hindi ahi ay kula doodayaan dawladdooda iyo dhkhaatiirtooda, haddii aadan badbaadi karin kuwo aannu jecelnahay fadlan na sii meydadkooda aannu si sharfan u aasannee.

Waxaa suuqyada madaw qiime sare lagu kala iibsanayaa ogsajiinta, waxaanad moodda in dalku xaalad dagaal oo adag ku jiro.

Isbitaalada cidhiidhiga ah ayaa la daala dhacaya helidda ogsijiin ku filan, taasoo keeneysa in mararkaa dib loo celiyo bukaanno gargaar u baahnaa.

Delhi waxay ka mid tahay magaalooyinka leh xarumaha daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan Hindiya, laakiin waa laga adkaaday oo in ka badan 99% dhammaan sariiraheeda daryeelka degdegga ah ayaa buuxa.

Sabtidii Mareykanku wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay kororka karoonaha ee Hindiya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken wuxuu sheegay in Mareykanku uu si dhow ula shaqeynayo dowladda Hindiya si uu u ula gaadho taageero iyo agab dheeraad ah.

Dowladda India ayaa isticmaalaysa tareenno iyo ciidamada cirka si ay saad ugu daabulaan goobaha ay dhibaatada ka jirto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here