Chelsea Oo Si Buuxda Ugu Fadhiisatay Kaalinta 4aad & West Ham Oo Lugteeda Ay Iskaga Reebtay.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si buuxda ugu fadhiisatay kaalinta afraad  ee horyaalka Premier League, iyadoo iska reebtay West Ham United oo ay isku dhibco ahaayeen.

Chelsea ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay West Ham United oo ay marti ugu ahayd London Stadium, waxaanay guushu kusoo raacday 1-0, iyadoo goolka madiga ahna uu u dhaliyey weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo muddo uu kaydka ku jiray kaddib isku muujiyey kulankii caawa.

Blues dhashan karaysay goolal kale oo badan, waxaana midkii ugu suurtogalsanaa lumiyey Werner oo kubbad uu soo tufay goolhaye Fabianski ku celiyey, balse goolka la seegay.

Mason Mount ayaa dhawr jeer faraha caseeyey goolhaye Fabianski oo uu kubbado kaga toogtay bannaanka, iyadoo dhamaadkiina hal ciyaartoy laga saaray West Ham oo ciyaarta ku dhamaysatay 10 laacib.

Chelsea ayaa yeelatay 58 dhibcood, kuna kaliyeysatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood ka sarraysaa West Ham oo shanaad ku jirta, halka Leicester City oo saddexaad fadhidana ay hal dhibic kaliya u jirto.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA (3-4-3): Edouard Mendy; Andreas Christensen, Thiago Silva, Antonio Rudiger; Cesar Azpilicueta (c), N’Golo Kante, Jorginho, Ben Chilwell; Mason Mount, Timo Werner, Christian Pulisic.

Kaydka: Reece James, Kai Havertz, Kepa Arrizabalaga, Kurt Zouma, Hakim Ziyech, Tammy Abraham, Billy Gilmour, Marcos Alonso, Callum Hudson-Odoi.

WEST HAM UNITED (3-4-1-2): Lukasz Fabianski; Issa Diop, Fabian Balbuena, Angelo Ogbonna; Vladimir Coufal, Mark Noble (c), Tomas Soucek, Ryan Fredericks; Pablo Fornals; Jesse Lingard, Jarrod Bowen.

Kaydka: Manuel Lanzini, Said Benrahma, Frederik Alves, Andriy Yarmolenko, Ben Johnson, Ademipo Odubeko, Darren Randolph, Conor Coventry, Nathan Trott.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here