Wallaac laga Muujiyay Fayras Cusub oo Ka Dillaacay Waddanka Hindiya.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nooc kale oo ka duwan ‘coronavirus’ ayaa laga helay dalka Hindiya sida ay baadheen saynisyahano kala duwan – laakiin wali lama oga illaa iyo inta uu faafi karo ama in ay jirto mowjad labaad oo cudurka dilaaga ah Covid uu India ka wado.

Fayrasyadu had iyo jeer way is beddelaan, iyagoo soo saara noocyo kala duwan ama noocyo cusub oo iyaga u gaar ah.

Badankooda isbeddelladani waa kuwo aan qiimo lahayn – qaarkoodna xitaa waxay yareyn karaan fayraska oo aan khatar badan keeni karin- laakiin kuwa kale ayaa ka dhigi kara mid faafa oo ka sii daran kii hore ayna adag tahay in la tallaalo.Noocani oo si rasmi ah loogu yaqaan B1617 – waxaa markii ugu horreysay laga helay Hindiya bishii Oktoobar.

Tijaabinta muunadda ee la tijaabiyey waxay sheegaysaa in uusan u faafin karin si degdeg ah, mana jaangooyn karaa baadhitaannada hordhaca sida uu dhakhso ahaan u fidi karo. Waxaa laga helay 220 ka mid ah 361 shaybaadh wadareed oo laga soo uruuriyay intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maarso gobolka galbeedka Hindiya ee Maharashtra.

Dhanka kale, waxaa lagu arkay ugu yaraan 21 waddan, sida lagu sheegay xogta caalamiga ah ee GISAID.

Safarrada caalamiga ah ayaa u muuqda inay keeneen noocyada kala duwan. Dalka UK 103 kiis ayaa laga helay tan iyo 22-kii Febraayo.

Inta badan dadka ka soo safra Hindiya ayaa hadda laga mamnuucay inay yimaadaan UK.

Waaxda Caafimaadka Dadweynaha England waxay ku calaamadeeyeen noocan duwan ee Hindiya mid ka mid ah “noocyada baaritaanka lagu hayo” laakiin illaa iyo hadda uma arkaan in uu halis yahay, oo gaadhsiisan yahay heer aad looga walaaci karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here