Everton Oo Saddex Dhibcood Oo Hadiyad Ah Ka Heshay Goolhaye Bernd Leno, Xilli Ay Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaadheen Arsenal

0
202

JOWHAR (Radioisnaay) Kooxda kubadda cagta Everton ayaa guul dahabi ah oo ay ugu soo dhowaatay kaalmaha sare waxay kasoo heshay Arsenal oo ay ku booqatay Emirates Stadium.

Kulankan oo intii aanu bilaabmin ay hadheeyeen mudaharaadyo bannaanka garoonka ka dhacay oo ay kumannaan taageereyaal ahi iskugu yimaaddeen, ayaa waxa labada kooxood kala saaray gool uu iska dhaliyey goolhaye Arsenal oo kubbad uu damacsanaa in uu gacanta ku qabsaday ay ka hoos-baxday kaddibna lugta kaga dhacday, sidaasna ku noqotay gool.

Arsenal oo inta badan maamulanaysay ciyaarta ayaan samaynin halis badan, waxaanay kubaddeedu ku koobnayd khadka dhexe, halka Everton ay ka dhisnayd weerarka oo kubbadaheedu halis ku ahaayeen goolka Gunners.

Gunners ayay muuqatay in ciyaartan ay u jabtay weeraryahannadeeda Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo dhaawacyo ku maqnaa, kuwaas oo kubadda badan ee ay kooxdu haysatay ka faa’iidayn lahaa

Everton ayaa yeelatay 52 dhibcood iyadoo hal dhibic ka hoosaysa Liverpool iyo Tottenham oo min 53 dhibcood kala haysta, laakiin Arsenal ayaa hoos usii dhacday oo ku jirta kaalinta 9aad oo ay ku haysato 46 dhibcood.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu hoos usii degi doontaa haddii ay soo guuleystaan Leeds United oo ay min 46 dhibcood leeyihiin balse dhinaca goolasha ka hoosaysa iyo Aston Villa oo iyagana ciyaari baaqi u tahay, haystana 44 dhibcood.

Shaxihii labada kooxood

EVERTON (4-3-3): Jordan Pickford; Seamus Coleman, Ben Godfrey, Mason Holgate, Lucas Digne; James Rodriguez, Allan, Andre Gomes; Richarlison, Dominic Calvert-Lewin, Gylfi Sigurdsson.

Kaydka: Alex Iwobi, Yerry Mina, Robin Olsen, Bernard, Niels Nkounkou, Fabian Delph, Joshua King, Tom Davies, Nathan Broadhead.

ARSENAL (4-2-3-1): Bernd Leno; Calum Chambers, Rob Holding, Pablo Mari, Granit Xhaka; Thomas Partey, Dani Ceballos; Nicolas Pepe, Emile Smith Rowe, Bukayo Saka; Eddie Nketiah.

Kaydka: Hector Bellerin, Cedric Soares, Mat Ryan, Willian, Martin Odegaard, Gabriel Martinelli, Reiss Nelson, Mohamed Elneny, Gabriel Magalhaes.

Mikel Arteta ayaa lix isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Fulham ciyaartii u dambaysay oo barbarro dirqi ah ay waqti dambe ka heleen, waxaanu kaydka u diray Ryan, Bellerin, Martinelli, Elneny, Gabriel iyo Alexandre Lacazette oo dhaawac ku maqnaaday. Waxa uu boosaskooda keenay Nketiah oo waqti dambe beddel kusoo kulanay kulankaas, una dhaliyey goolka barbarraha, Leno, Chambers, Mari, Partey iyo Pepe.

Ancelotti ayaa isaguna u shax-guuray Arteta, waxaanu kaydka dhigay laacibiintii uu filayay in ciyaartoyda Arsenal ay sii daraaseeyeen ee Keane, Iwobi iyo Davies, iyadoo uu keenay Coleman, Gomes iyo Calvert-Lewin.

Everton ayaa heshay fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta,waxaana dhinaca bidix kubbad ka keenay Lucas Digne, taas oo uu helay Calvert-Lewin oo ku qabtay madax awood badan oo halsi geliyey goolka Arsenal.

Goolhaye Leno ayaa la baxsaday kooxdiisa Arsenal, isagoo badbaadin cajiib ah sameeyey kaddib kubbad uu Richarlison xerada ganaaxa ku farsameeyey Mari, kuna toogtay goolka isagoo 12 yard oo kaliya u jira, waxaase si layaable u badbaadiyey goolhaye Leno.

Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood inta ugu badan ku dagaallamayeen khadka dhexe iyo bannaanka xerada ganaaxa, waxaana yaraa fursadaha ay kala heleen, iyadoo Arsenal oo inta badan ciyaarta maamulaysay aanay la imanin fursad lagu tilmaami karo halis, hase yeeshee goolal la’aan ayay kusoo dhamaatay.

Markii laga soo noqday waqtiga nasashada ayay mar kale Arsenal ciyaarta maamulkeeda sii haysatay,iyadoo Everton ay kaliya 42 boqolkiiba gacanta ku haysay, hase yeesee haddana Toffees ayaa awood u yeelatay in ay samayso sagaal toogasho halka Arsenal ay lix mar oo kaliya toogatay goolka Everton.

Daqiiqaddii 76aad ayay ciyaartu isbeddeshay, markaas oo goolhaye Berd Leno uu iska dhaliyey kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Richarlison, taas oo faraha Leno ka dhex-baxday kaddibna lugta  kaga sii dhacday ka hor intii aanay ku leexanin goolka oo markii hore ay hormaraysay.

Daqiiqaddii 92aad ayay Arsenal halis gelisay goolka Everton, waxaana kubbad halis ahayd oo xerada ganaaxa dhexdeeda uu ka helay Gabriel Martinelli uu ku qabtay goolka, waxaase isku daadiyey goolhaye Jordan Pickford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here