Booliska Turkiga oo Baadigoobaya nin Xaday Labo bilyan oo dollar.

0
174

Jowhar (Radio-Isnaay)-Turkiga ayaa soo saaray waaran qabasho oo caalami ah oo loogu talagalay aasaasihii goobta ganacsi ee lacagta dhanka online-ka ah ee loo yaqaan ‘cryptocurrency.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in Faruk Fatih Ozer uu ula baxsaday Albania lacag gaareeysa  $2bn oo laga qaaday 391,000 oo maalgashadeyaal ah.

Booliska ayaa sidoo kale xiray 62 qof weeraradii waaberiga, sideed magaalo oo Turkiga ah oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin shirkada Mr Ozer, Thodex.

Mr Ozer ayaa ku tilmaamay eedeymaha loo soo jeediyay “kuwo aan sal iyo raad toona lahayn” wuxuuna sheegay inuu Albania uu u joogo shirar shaqo.

Wasaaradda cadaaladda ee Turkiga ayaa bilawday dacwado sharci ah oo lagu raadinayo soo qabashada iyo u soo celinta Mr Ozer oo ku aaddan caasimada Albanianka ee Tirana, Andalou ayaa werisay, isagoo intaa ku daray in wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu uu khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Albania.

Toddobaadkii hore, Turkigu wuxuu sheegay inuu mamnuucayo adeegsigalacagahaas in wax lagu kala iibsado laga bilaabo 30-ka Abriil.

hawlgalladii shirkaddaas ayaa bilaabay inay u muuqdaan kuwo aan fiicneyn Arbacadii markii Thodex uu soo diray fariin qarsoodi ah oo uu ku sheegayo inay u baahan yihiin shan maalmood si loo maareeyo maalgashi dibedda ah oo aan la cayimin. Kadib waxay hakisay ganacsigii.

Maalgashadayaashu waxay bilaabeen inay la xiriiraan mas’uuliyiinta, gudbiyaanna cabashooyin ka dhan ah Thodex in ka badan 1,160% marka la barbar dhigo usbuucii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here