Walaac laga Muujiyay Oksijiin la’aanta Ka Jirtay Cisbitaalada Hindiya.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lix cisbitaal oo kuyaal caasimadda Hindiya ee dalhi ayaa waxaa gebi ahaanba ka dhamaaday Oksijiinkii ayadoo dhakhaatiirtuna ay sheegeen in cisbitaallo kale ay qarka u saaran yihiin in Oksijiintu ay ka dhammaato.

Dad badan ayaa dhintay intii ay sugayeen in oksijiin lala soo gaaro, halka in ka badan 99% ay buuxsameen sariiraha daryeelka xaaladaha deg deggga ah.

Hindiya ayaa la daalaadhacaysa mowjad labaad oo caabuqa Covid-19 ah, waxaana talaadadii la diiwaan geliyey rikoorkii ugu badnaa ee kiisas cusub ah caalamka oo idil.

Dalkaas ayaa diiwaan geliyey ku dhawaad 16 milyan oo caabuqyo la xaqiijiyey ah.

24 kii saac ee ugu dambeeyey waxaa dalkaas laga diiwaan geliyey 314,835 oo kiisas cusub ah, halka dhimashadana ay sare ugu kacday 2,104.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in masuuliyiinta gobolkaas ay joojinayaa haamaha oksijiinta ee loo gudbiyo gobollada kale, sida uu sheegay TV-ga gobolka Delhi ee NDTV.

Siyaasi reer Hindiya ah oo la yiraahdo, Saurabh Bharadwaj, oo Covid looga dawaynayey cisbitaal ku yaal magaalada Delhi ayaa bartiisa twitter-ka ku daabacay qoraal uu ku codsanyo in la caawiyo Hindiya, asagoo sheegay in saddax saacadood oo kaliya ay ka harsan tahay in oksijiintu ay ka dhammaato cisbitaalka uu jiifo.

“Dad badan ayaa ku tiirsan oksijiinta, haddii oksijiin la waayahana dadkaasi way dhimanayaan sida uu u dhinto kalluunku marka biyaha laga soo saaro,” ayuu yiri. “Waxaa la joogaa waqtigii ay dadku gacmaha is qabsan la haayeen”.

Saxafiga BBC-da uga soo warrama Hindiya ayaa sheegay in Delhi ay ahayd meesha ugu fiican ee laga helo daryeelka caafimaadka, balse waxaa jilbaha ku laabay mawjaddaan cusub ee Covid-19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here