Barcelona oo garoonkeeda si raaxo leh saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Getafe.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Getafe, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 8-aad kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Lionel Messi, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Sergio Busquets.

Laakiin 12 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Getafe ayaa heshay goolka bar-bardhaca, kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafaca Barcelona ee Clement Lenglet, dheesha ayaa sidaas ku noqotay bar-bardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 28-aad Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib uu gool iska dhaliyay laacibka kooxda Getafe ee Sofian Chakla, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 2-1 ay ku hoggaamineysay Barca.

33 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 3-1 ka dhigay kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad kooxda Getafe ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Enes Unal, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 3-2.

87 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Ronald Araujo oo caawin ka helay Lionel Messi ayaa dheesha ka dhigay 4-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 90+3 daqiiqo Barcelona ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay weeraryahanka xulka qaranka France ee Antoine Griezmann, waxayna ciyaarta sidaas ku noqoqtay 5-2 ay ku hoggaamineysay Barca.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-2 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Getafe oo ku soo booqatay garoonka Camp Nou, Blaugrana ayaa jadwalka kala sareynta kaga jirta booska saddexaad iyadoo leh 68 dhibcood waxaana u harsan kulan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here