Nin loo Heysto in uu Dilay kadibna Cunay Meydka Hooyadiis oo Maxkamad la soo Taagay.

0
161

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Nin u dhashay dalka Spain ayaa maxkamad la soo taagay kaddib markii, sida la sheegay, uu dilay hooyadiis, meydkeeda jarjaray, kaddibna cunay.

Alberto Sánchez Gómez ayaa la xiray 2019, kaddib markii booliiska ay tageen guriga hooyadiis oo 66 sano jir ahayd. Xilligaas waxaa cabasho booliiska u gudbiyay nin saaxiibkiis ah.

Booliska waxay sheegeen in ay arkeen xubno jirka bani’aadamka ah oo ku kala firirsan agagaarka guriga – qaarkood waxaa lagu riday weelal caag ah.

Ninkan ayaa maxkamadda u sheegay in uusan xusuusan in uu jarjaray ka dibna cunay meydka hooyadiis.

Waxaa la sheegay in uu horey u qabay xanuun dhanka dhimirka ah, sidoo kalena uu daroogada aad u isticmaali jiray.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in booliiska uusan ku cusbeyn ninkan, laguna yaqaannay in uu tacaddiyo kula kici jiray hooyadiis, María Soledad Gómez. Markii la soo xirayay na wuxuu jebiyay sharciga xarigga loo jaray.

Maxkamadda ayaa dhegeysatay warbixintii booliska booqday guriga oo ku yaalla bariga Madrid, bishii February 2019.

Qaar ka mid ah xubnaha bani’aamka ayaa dabka saarnaa oo uu ninkan karinayay halka qaar kalena lagu guray weelal, sida lagu daabacay wargeyska El Mundo.

Ninkan oo markaas 26-sano jir ahaa, ayaa la sheegay in uu qirtay in uu ceejiyay hooyadiis wuxuuna sheegay in mararka qaar uu xubno ka tirsan meydkeeda cunayay mararka qaarna uu eyga siinayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here