Inter Oo Dhibco Lumisay Hoggaankana Dheeraysatay, Juve Oo Guul Heshay, Milan Oo Jabtay Iyo Xogta Kulamadii Serie A Ee Caawa

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda hoggaanka horyaalka Talyaaniga Serie A haysa ee Inter Milan ayaa lumisay laba dhibcood kulankii labaad oo xidhiidh ah, waxaana barbarro 1-1 ah ay ku kala baxeen kooxda yar ee Spezia oo ay marti u ahaayeen.

Inter Milan ayaa gool lagala hormaray bilowga qaybtii hore, waxaanay Spezia jabisay difaaca Antonio Conte daqiiqaddii 12aad oo uu gool kaga nixiyey Diego Farias, waxaanay ciyaartu sidaas ahayd illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 39aad markaas oo uu Inter goolka barbarraha u saxeexay Ivan Perisic.

Goolhaye Samir Handanovic oo horraantii toddobaadkanna gool iska dhaliyey ayaa caawana sameeyey qalad, iyadoo laga dhaliyey kubbad diciif ahayd oo uu isagu qaladkeeda dusha u ridanayo.

Inter ayaa heshay fursado badan, waxaase Romelu Lukaku iyo Lautaro Martinez ay awoodi waayeen in ay jabiyaan derbiga difaaca ee goolhayuhuna sii adkeeyey ee Spezia ay kulanka kusoo gashay.

Barbarrahan ayaa waxa Inter ay ku yeelatay 76 dhibcood, waxaanay 10 dhibcood oo nadiif ah ka horreysaa AC Milan oo kaalinta labaad ku jirta oo laga badiyey fiidkii hore.

Milan oo garoonkeeda San Siro ku qaabbishay Sassuolo ayaa qaybtii hore heshay gool uu u dhaliyey Hakan Calhanoglu, waxaase loogu beddelay laba ciyaarta oo dhamaadkeeda ay ka hadhsan yihiin 15 daqiiqadood ay Sassuolo ku suuxisay Milan.

Goolka hore ayaa waxa Sassuolo u dhaliyey Giacomo Raspadori daqiiqaddii 76aad, waxaana lix daqiiqaddood goolka labaad raaciyey Giacomo Raspadori, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-1.

Dhinaca kale, Juventus ayaa kusoo laabatay jidka guusha, waxaanay 3-1 ku garaacday, waxaana goolasha u kala dhaliyey Alex Sandro oo laba saxeexay iyo De Ligt oo midka saddexaad ku daray.

Kulankan oo uu dib ugu soo laabtay Cristiano Ronaldo oo ciyaartii hore dhaawac ku maqnaa, ayay Juventus heshay guul raaxo leh oo ay goolashana si sahlan ku dhalisay.

Juventus ayaa soo gashay kaalinta saddexaad iyadoo yeelatay 65 dhibcood, isla markaana dhibic kaliya ka dambaysa AC Milan oo labaad ku jirta, waxaase ka fogaatay Inter oo ka horreysa 11 dhibcood iyadoo xataa laba ciyaarood oo isku xiga barbarro gashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here