Dowladda Hindiya oo Qaati ka Taagan Xakameynta Mowjadda Labaad ee Covid-19.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hindiya waxay la daalaa dhaceysaa mowjad labaad oo cudurka Covid-19 ah, taasoo aad u xoog badan gobollo badanna saameysay. Uttar Pradesh, oo ah gobolka ugu shacabka badan ee dalkaas, ayaa ka mid ah meelaha uu sida ugu badan u halakeeyay cudurka, dadka ayaa dhibaato weyn la kulmaya in kastoo maamulka ay ku adkeysanayaan in xaaladdu ay wali tahay mid gacantooda ku jirta,

Kanwal Jeet aabihiis Niranjan Pal Singh, oo 58 jir ahaa, ayaa Jimcadii geeriyooday isagoo ku jira gaari ambalaas ah oo looga qaaday isbitaal si mid kale loo geeyo. Waxaa loo diiday ilaa afar isbitaal oo kala duwan maadaama aysan jirin sariiro ka bannaan.

“Waxay ii ahayd maalin wadne xanuun ah,” ayuu igu yidhi mar uu telefoonka igula hadlayay isagoo ku sugan magaalada Kanpur. “Waxaan aaminsanahay in haddii uu adeeg caafimaad heli lahaa waqti fiican uu noolaan lahaa. Laakiin cid na caawisay ma jirin, booliska, dhakhaatiirta ama dowladda toona.”

Gobolka Uttar Pradesh, oo tan iyo billowgii sanadkan laga soo tabiyay kiisas dhan 851,620 iyo dhimasho gaareysa 9,830, xaaladdiisu sidan uma xumeyn markii ay jirtay mowjaddii koowaad ee Covid-19, xilligaasoo gobollo kale ay aad uga darnaayeen.

Mas’uuliyiinta gobolku waxay sheegayaan inay xaaladda gacntooda ku jirto wali. Hase yeeshee waxaa warbaahinta aad u qabsaday sawirrada naxdinta leh ee laga soo qaaday xarumaha baaritaanka fayraska ee buux dhaafay, isbitaallada bukaannada dib u celinaya iyo aaska loo sameynayo meydadka faraha badan ee lagu arkayo meel walba oo ka mid ah magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Lucknow iyo magaalooyinka kale sida Varanasi, Kanpur iyo Allahabad.

Uttar Pradesh, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 240 milyan oo ruux, waa gobolka ugu dadka badan guud ahaan Hindiya. Haddii gobolkaas uu kaligiis waddan ahaan lahaa, wuxuu noqon lahaa dalka shanaad ee ugu dadka badan caalamka, waxaana ka horreyn lahaa oo kaliya Shiinaha, Hindiya, Mareykanka iyo Indonesia. Wuxuu xitaa ka dad badnaan lahaa Pakistan iyo Brazil.

Gobolkan sidoo kale waa kan siyaasad ahaan ugu muhiimsan dalka Hindiya – waxaa laga soo doortaa tirada ugu badan xildhibaannada baarlamaanka oo ah 80, waxaana ku jira Ra’iisul Wasaare Narendra Modi oo isagoo gobol kale kasoo jeeda ka tartama halkaas. Laakiin saameyntan siyaasadeed uma aysan keenin wax horumar weyn ah.

Hadda gobolkaas waxaa ku sugan 191,000 oo qof oo qaba cudurka, kumannaan kiis oo cusub ayaana lasoo tabiyaa maalin kasta – inkastoo tirooyinka la aaminsan yahay inay ka badan yihiin inta la shaaciyo.

Dadka xanuunsan waxaa ka mid ah madixii golaha wasiirrada ee maamulka gobolka, Yogi Adityanath, dhowr wasiir oo kale, saraakiil badan oo ka tirsan dowladda iyo boqollaal dhakhaatiir ah, kalkaaliyeyaal iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here