Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

0
201

JOWHAR (Radioisnaay) Magaalada Baydhabo ee  Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargarka, Maareynta iyo musiibooyinka ee Xukuumadda xilgaarsiinta Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo kuso dhoweeyey  Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Baydhabo.

Socdaalka Wafdiga ayaa  waxaa lagu sheegay sidii degaannada Maamulka Koonfur Galbeed loo gaarsiin lahaa Deeq ka timid  dowladda Sacuudiga taas oo loogu talo galay dadka abaaraha iyo dhibatooyinka kala duwan ay ku heystaan degaannada Koonfur Galbeed.

Wafdiga ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargarka, Maareynta iyo musiibooyinka ee Xukuumadda xilgaarsiinta Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cab dicasiis Xasan Maxamed (laftaagreen)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here