Dubai oo loogu Baaqay in ay Meel ku Sheegto Gabar uu Dhalay Amiirka Imaaraatka.

0
205

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Isutagga Imaaraatka Carabta inay keento caddeyn la taaban karo oo muujineya in Latifa Al Maktoum, oo ah gabadha uu dhalay amiirka Dubai ee la sheegay in lagu hayo xabsiga, ay nooshahay iyo in kale.

Bayaanka laga soo saaray magaalada Geneva ayaa waxay khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ay dalbadeen in sida ugu “dhaqsiyaha bada” loo siidaayo Latifa.

Latifa ayaa isku dayday inay ka baxsato Dubai sanadkii 2018, Muuqaallo ay la wadaagtay BBC Panorama, ayay ku sheegtay in ciidamada kumaandooska ay daroogo siiyeen ka dib-na ay dib ugula celiyeen xabsiga.

Qaramada Midoobey ayaa imika dalbanaysa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo Latifa Al Maktoum, oo ah gabadha uu dhalay amiirka Dubai.

Qoyska boqortooyada Dubai ayaa horey u sheegay in Latifa ay nabad qabto oo “gurigeeda lagu xanaaneeyo”.

5tii Maarso, Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay wali ka sugeyso faahfaahin dheeraad ah Imaaraadka taasi oo ku saabsan in ay keenaan cadeymo muujinaya in ay nooshahay.

Bayaankii Talaadadii, khubarada Qaramada Midoobay waxay mar kale ugu baaqeen dowladda Imaaraatka in “macluumaad macno leh” ay ka bixiso masiirka Latifa iyada oo “dib aan loo dhigin”

Waxay codsadeen “in si madax-bannaan loo xaqiijiyo xaaladaha ay ku xiran tahay, si deg deg ahna loo sii daayo”.

“Bayaanka ay soo saareen Imaaraatka ee tilmaamaya kaliya in gurigeeda lagu xannaaneynayo kuma filna marxaladdan,” ayaa lagu yiri .

Bayaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in imaaraadka laga doonayo in faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan gabadhaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here