Shirkadda Facebook oo soo Kordhineysa Adeeg lamid ah Clubhouse.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday in bilaha soo socda ay soo saarayso adeegyo maqal ah oo la mid ah sida kuwa barnaamijka ‘Clubhouse’.

Adeeggan ayaa leh qeybo toos ah oo ay dadku qaab maqal ah ku wada sheekeysan karaan.

Adeeggan maqalka keliya ah ee lagu wada sheekeysto ayaa aad u soo badanayay tan iyo markii uu soo baxay cudurka aafada noqday ee Covid-19.

Shirkadda Facebook waxay sidoo kale billaabi doontaa barnaamij cusub oo dadka isticmaalaya ay codad isu duubi karaan.

Macaamiisha isticmaalaysa adeegyadan cusub waxay awood u yeelan doonaan in ay lacag ka sameeyaan ama ka macaashaan dhaqaale ahaan adeeggani maqalka ahi, inkastoo aysan caddeyn in arrintani ay u suurtageli doonto dadka oo dhan ama loogu tala-galay oo kaliya shakhsiyaadka ay ku taxan yihiin dadka aadka u badan.

Facebook ayaa sidoo kale macaamiishiisa u oggolaan doono in ay si toos ah uga dhagaysan karaan barnaamijyo dhageysi ah oo laga baahin doono Facebook.

Madaxa shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa warkan shaaciyay shalay oo Isniin ahayd.

Ilaa iyo haatan ma cadda sida shirkaddani Facebook ay dooneyso in ay ku hubiso in macaamiisheeda isticmaalaya adeeggan cusub aysan ku xadgudbin.

Zuckerberg iyo shirkaddiisa Facebook ayaa guddiga ganacsiga ee heer federaalka (FTC) ee dalkaasi Mareykanka waxa uu ku eedeyay hab dhaqan ka soo horjeedka tartanka xorta ahi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here