Roob xoogan oo ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool

0
192

JOWHAR (Radioisnaay) Roobka Gu’ga ayaa ka curtay deegaanada gobolka Bakool oo xoolo dhaqatadii mar hore u guureen deegaano kale jiilaalka oo dheeraaday iyo biyo la’aan goobihii biyaha ay ka helijireen awgeed taasoo saamaynteeda qofba meesha uu joogo ku dareemay.

Roobabkii da’ayey 24 saac ee lasoo dhaafay  ayaa jawiga wuxuu uu  bedelay jawi rajo geliyey dadki jiilaalka awgiis uga guuray deegaano badan oo hoostago Gobolka Bakool.

Deegaanada uu roobka ka da’ayna waxa ka mid degmada Xuddur ee xaruunta gobolka Bakool , Degmada Tiyeeglow iyo deegaano kale oo dhul daaqsin ah ayaa laga soo sheegay roobka xalay da’ay .

Laba maalin ka hor ayaa waxaa deegaanadaas laga  tukaday salaad roob doon bulshadana waxa lafaray in ay iscafiyaan Allena u towbad keenaan hase ahaatee saaka jawiga waa uu ka gediisan yahay dadkii beeralayda ahaa oo ka shaki sanaa gu’gaan iyo xaalkiisa noqon doono ayaa saaka udareeray beerahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here