Horyaaladii Ugu Waa Weynaa Yurub Oo Burbur Ku Dhow & UEFA & FIFA Oo Jawaab Kulul Bixiyay.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qorshihii horyaalka European Super League ayaa ugu danbeyn daaha laga rogay.

Warbixin la soo saaray xilli danbe xalay oo Axad aheyd ayaa lagu xaqiijiyay in 12 kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub inay dhisayaan tartan cusub oo la dheelayo bartamaha isbuuca.

Manchester United, Man City, Chelsea, Arsenal, Tottenham, Liverpool, Juventus, AC Milan, Inter Milan, Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood ku biiray tartankaan iyadoo loo aqoonsaday inay yihiin aas-aasayaasha.

12kaan kooxood ayaa dhamaantood si rasmi ah uga baxay ururka kooxaha Yurub ee European Club Association.

Seddex kooxood kale ayaa la filayaa inay ku biiri doonaan inkastoo aan la magacaabin kooxaha ay yihiin iyadoo tartanka uu dhici doono sida ugu dhakhsiyaha badan.

Kooxaha aas-aasaya tartanka ayaa qeybsan doona 3 bilyan ginni oo maalgelin ah si looga caawiyo dhaqaale xumadii soo wajahday Korona Fayras darteed.

Waxay sheegeen inay haatan doonayaan inay wadahadalo la yeeshaan xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA iyo xiriirka kubada cagta Adduunka FIFA si ay uga wada shaqeeyaan qorshe wadajir ah.

Ka dib ku dhawaaqistaan, UEFA ayaa tiri: “Kooxaha ka qeybgalaya tartankaan waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka dheelaan horyaalada dalalkooda, tartamada Yurub ama kuwa heerka caalami, iyadoo ciyaartoyda laga mamnuuci doono inay matalaan xulalkooda.”

FIFA ayaa iyadana tiri: “Waxaan kaliya shaacin karnaa inaan ka soo horjeedno kooxaha ka go’aya horyaalada Yurub iyo kubada cagta caalamiga ah.”

Warbixinta ay soo saareen xalay horyaalka cusub ee European Super League ayaa lagu sharaxay sida uu noqonayo qaabka tartanka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here