Dad ka Badan 3 Milyan oo Caalamka ugu Geeriyootay Xanuunka Covid-19.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tirada dadka dunida oo dhan ugu dhintay cudurka Covid-19 ayaa kor u dhaaftay saddex milyan oo qof, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

Warkan ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii madaxa hay’adda caafimaadka adduunka uu ka digay in caalamka uu “wajahayo sare u kac dhanka faafidda cudurka ah”.

Dalka Hindiya oo uu ku soo rogaal celiyay xanuunka ayaa Sabtidii oo qura diiwaangeliyay 230,000 oo kiisas cusub ah.

Ku dhawaad 140 milyan oo kiis ayaa la diiwaangeliyay tan iyo markii uu xanuunka bilowday.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa Jimcihii sheegay in kiisaska iyo dadka u dhimanaya cudurka ay gaareen heer walaac leh.

Maraykanka, Hindiya iyo Brazil oo ah dalalka diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ayaa waxa ku dhintay in ka badan milyan qof, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

Todobaadkii la soo dhaafay, celcelis ahaan 12,000 oo dhimasho ayaa maalintii laga diiwaangeliyay daafaha caalamka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxay u badan tahay in tirada kiisaska iyo weliba dhimashada ay aad uga badan tahay tan la shaaciyay.

Hindiya ayaa bilihii la soo dhaafay u muuqatay mid xakameysay faafidda cudurka. Balse Covid-19 ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay aad ugu faafay shacabka dalkaas ee tiradoodu ka badan tahay 1.3 bilyan oo qof.

Cisbitaallada ayaa wajahaya xaalad adag oo waxaa buux dhaafay sariiraha bukaanka iyadoo ay gabaabsi tahay oksijiinta. Waxaa dib loo celiyay dad xanuunsan, halka dadka qaar ay dawooyinka ka soo iibsanayaan suuq madow.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here