Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

0
194

JOWHAR (Radioisnaay) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire; Qin Jian.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada Waxbarashada, Dhaqaalaha, Arrimaha Bani’aadminimada, Iskaashiga dhanka amniga iyo la tacaalidda cudurka Covid19.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa dowladda Shiinaha waxaa ay kamid aheyd dowladaha taageerada weyn u fidiyay dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa dhawaan keentay Magaalada Muqdisho tallaalka Cudurka safmareenka ah ee COVID-19, kaas oo muqdisho laga bilaabay in dadka lagu tallaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here