Hakim Ziyech Oo Digniin U Diray Man City: “Waxaanu Samayn Doonaa….

0
185

JOWHAR (Radioisnaay) Xiddiga reer Moroco ee Hakim Ziyech ayaa digniin u diray Manchester City oo ay fiidka hore ee caawa ku ballansan yihiin garoonka Wembley Stadium oo ay ku wada ciyaari doonaan semi-finalka FA Cup.

ZIyech ayaa shaaciyey in kooxdiisa Chelsea ay samayn doonto wax kasta, si ay Manchester City u garaacdo isla markaana ay ugu gudubto finalka tartanka ugu faca weyn Ingiriiska.

Laacibkan garabka ka ciyaara ayaa afar ciyaarood oo tartankan ah u saftay Chelsea tan iyo markii uu xagaagii kaga soo biiray kooxda Ajax ee horyaalka Netherlands ee Eredivisie, waxaanu afartaas ciyaarood dhaliyay hal gool iyo hal caawin oo uu sameeyey

Kaddib guushii ay ka gaadheen Crystal Palace iyo usoo-bixitaanka semi-finalka Champions League ee toddobaadkii hore, Chelsea ayaa hadda dedaalkeeda oo dhan iskugu geyn doonta sidii ay semi-finalka FA Cup ugu garaaci lahayd Manchester City, isla markaana ay markeedii 15aad u tegi lahayd finalka.

Hakim Ziyech oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxdiisu ay wax walba samayn doonto, waxaanu yidhi: “Waxaanu ku jirnaa toddobaad wanaagsan, waxayna ila tahay in usbuuca aanu kusoo xidhi doono natiijo wanaagsan oo aanu mar kale keeno, waxaananu rajaynaynaa in aanu guul kusoo xidhi doono.

“Waan jecelahay in aan ciyaaro kulamada waaweyn, ciyaartoy kastaana waa sidayda oo kale, laakiin iyaga waxaan ku arkay ciyaaro kale. Hadda waa semi-final, waxaananu samayn doonaa wax kasta oo awooddayada ah si aanu u gaadhno finalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here