Mareykanka iyo Shiinaha oo lagu Eedeyey dood dhalisay dhanka Anshaxa ah.

0
130

Jowhar (Radio-Isnaay)- Minka daanyeer oo lagu beeray unugyada bani’aamka ayaa lagu sameeyay sheybaar, sida ay xaqiijisay daraasad la sameeyay.

Baaritaanka, oo ay sameeyeen koox Mareykanka iyo Shiinaha ka socota, ayaa dhalisay dood dhanka anshaxa ah.

Saynisyahannada ayaa unugyada bani’aadamka – oo awood u leh inay noqdaan dhowr xiidmaha jirka ah oo kala duwan – ku beeray minka.

Koritaanka unugyadaas ee gudaha minka ayaa la daraaseynayay muddo 20 maalmood ah.

Hore waxaa unugyada bani’aadamka loogu beeray minka idaha iyo doofaarka.

Saynisyahannada waxaa horkacayay Prof Juan Carlos Izpisua Belmonte oo ka tirsan Machadka Salk oo ku yaalla Mareykanka.

Daraasaddooda ayaa waddada u xaari karta wax ka qabashada gabaabsiga xubnaha dadka lagu beero iyadoo sidoo kalena ka qeyb qaadan karta in wax badan laga fahmo koboca hore ee bani’aadamka, qaadidda cudurka iyo gabowga, ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in daraasadda, oo lagu daabacay joornaalka Cell, ay soo martay hannaanka anshaxa iyo sharciga.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here