Real Madrid & Man City Oo U Gudbay Semi-finalka Champions League, Liverpool Oo Inkaartii Garoonkeedu Qabatay.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid iyo Manchester City ayaa iska xaadiriyey semi-finalka tartanka Champions League, kaddib markii ay wareeggii siddeedda kaga soo tallaabsadeen Liverpool iyo Borussia Dortmund.

Manchester City ayaa 2-1 ku garaacday Borussia Dortmund oo ay marti u ahayd, isal markaana ay usbuuca ka hor isla natiijadan oo kale kaga soo badisay Etihad Stadium.p

Borussia Dortmund ayaa gool la hormartay ciyaarta waxaana qaybtii hore u saxeexay da’yarka reer England ee Jude Bellingham, hase yeeshee qaybtii dambe ayay City shaqaysatay oo ay la timid laba gool oo midkood rikoodhe ahaa.

Kooxda reer Germany oo niyaddeeda ay gashay in ay badinayso, ayaa waxa lagu qabtay rikoodhe rajo la’aan ka dhigay oo uu gool u beddelay Riyad Mahrez daqiiqaddii 55aad ee qaybta, waxaana xisaabta soo xidhay Phil Foden oo daqiiqaddii 75aad gool qurux badan oo uu goolhayaha birta qaniinsiiyey hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Manchester City oo fursado badan oo kale iska lumisay dhamaadkii ciyaarta, ayaa waxay guushu ku raacday 2-1, waxaana marka la isku geeyo natiijada labadii lugood ay ku kala baxeen 4-2 ay Manchester City kusoo gudubtay.

City ayaa semi-finalka la ciyaari doonta kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo xalay kasoo tallaabsatay Bayern Munich, waxaanu kulankani noqon doonaa mid xiisihiisa leh oo ay iska hor imanayaan laba kooxood oo laga leeyahay Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo colaad kalena dhex martay sannado ka hor.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa semi-finalka kula ballantay Chelsea, kaddib markii ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen Liverpool oo ay ugu tagtay Anfield.

Real Madrid oo ciyaartii hore kusoo badisay 3-1, ayaa adkaysatay difaaca, halka Liverpool oo inta badan ciyaarta maamulanaysay ay iska khasaarisay fursado badan oo goolal noqon karayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here