Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Turkiga oo geeriyooday

0
202

JOWHAR (Radioisnaay) Waxaa Isbitaalka Jaamacadda Ankara University Hospital shalay oo Arbaco ahayd (April 14-dii) ku geeriyooday RW hore ee dalkaasi, Yildirim Akbulut oo 86 jir ahaa.

Yildirim Akbulut waxaa la sheegay inuu muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, laguna daaweynayey Isbitaalka Ankara University Hospital.

Waxaa uu horey u soo noqday RW iyo Afhayeenka Baralmaanka dalkaasi, wuxuuna Xildhibaan ahaa ku-dhawaad 20-sano, laga bilaabo 1983-dii ilaa 2002-dii.

Waxa kale oo uu soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga muddadii u dhexeysay 1984-kii ilaa 1987-dii, isagoo ka tirsanaa Xukuumadii Ra’isul-wasaare Turgut Özal.

Yildirim Akbulut waxa uu sanadkii 1980-kii noqday RW, isagoo soo dhisay Xukuumad, waxa uu sii waday Noloshiisa Siyaasadeed, isagoo sanadkii 1983-dii uu noqday Asaaasaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dhulka Hooyo (Anavatan Party).

Markii uu isaga tegay Xisbigaasi waxa uu ku biiray Xisbiga kale ee DYP, balse, waxa uu ku hungoobay Tartan uu u galay Kursiga Barlamaanka ee magaalladda Istanbul.

Sanadkii 1999-kii, waxa mar kale loo doortay Guddoomiyaha Barlamaanka Turkiga, isagoo xilkaasi hayey tan iyo sanadkii 2000.

RW hore ee dalka Turkiga ee shalay geeriyooday Yildirim Akbulut waxa uu bishii November 15-dii ee sanadkii 1935-kii ku dhashay Gobalka Erzincan ee Bariga dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here