PSG Iyo Chelsea Oo U Gudbay Semi-finalka iyo Munich Oo Fursadaheedii Iska Khasaarisay.

0
201

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Chelsea iyo PSG ayaa u gudbtay semi-finalka tartanka Champions League, kaddib kulamo adkaa oo labadoodba laga badiyey.

Chelsea ayaa guul-darro 1-0 ah kala kulantay kooxda reer Portugal ee FC Porto, laakiin kulankii hore oo ay Blues ku badisay 2-0 ayaa ka caawisay in ay iska xaadiriyaan semi-finalka.

PSG ayaa iyaduna kusoo baxday celceliska goolashii ay ku dhalisay ciyaartii lugtii hore, waxaanay usoo gudubtay semi-finalka sannadkii labaad oo xidhiidh ah, iyadoo reebtay kooxdii koobka ka qaadday sannadkii hore.

Kooxda reer France ayaa lagaga badiyey 1-0 kulan uu fursado badan khasaariyey Neymar, sidoo kalena ay Bayern iska lumisay fursado badan dhamaadkii ciyaarta, waxaana natiijada labada kooxood ee cel-celiska labada kulan ay ku dhamaadeen 3-3, hase yeeshee PSG oo garoonka martida kusoo dhalisay saddex gool ayaa u gudubtay wareegga xiga.

Blues ayaa shaqada ugu badan sii qabsatay lugtii hore oo ay 2-0 ku badisay, waxaana ay ciyaartan kaliya u baahnayd in ay goolkeeda ilaashato, amaba aan laga dhalinin wax ka badan hal gool.

Ben Chilwell iyo Mason Mount ayaa goolasha u dhaliyey ciyaartii hore, waxaanay sii sugaysaa oo ay semi-finalka la ciyaari doontaa Real Madrid iyo Liverpool midkooda soo gudba habeen dambe.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan wacdaro ka dhigaysay tartanka Champions League, iyagoo aan halmarna laga badinin, waxaana sagaalkii ciyaarood ee hore ay soo badiyeen toddoba ka mid ah, labada kalena waxay soo galeen barbarro.

In laga badiyo kulan Champions League ah, waxa ugu dambaysay Xilli ciyaareedkii 2017-18 oo ay Liverpool ku garaacday, waxaana 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee wareegyada isreeb-reebka ee lugta hore ay soo badiyeen ay wareegga xiga u gudbeen siddeed ka mid ah.

Tababare Thomas Tuchel ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddigo khibrad u leh tartankan, sida Thiago Silva oo uu kusoo celiyey safkiisa difaaca, halka uu afka horena dhigay Pulisic iyo Kai Havertz oo uu kaalmaynayey Mason Mount oo ahaa laacibkii goolka quruxda badan hoggaanka ugu dhiibay ciyaartii hore.

Ciyaartan oo qaybteedii hore ay firfircooni badan lahayd FC Porto ayaa waxay Chelsea heshay laba fursadood oo ay ugu dhowaatay in ay gool dhaliso, hase yeeshee waxay kusoo kala baxeen barbarro goolal la’aan ah.

Qaybtii dambe ayay Chelsea maamulka ciyaarta daadihinaysay, waxaana kubbad ay wada daadihinayeen N’Golo Kante iyo Mount ay mar kale ugu dhowaadeen in ay gool u beddelaan, ka hor intii aanay fursad kale oo loo qaatay in ay gool tahay aanu helin Mount, taas oo iyadana ay lumiyeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here