Kulanka Liverpool vs Real Madrid – Rikoodhada Ay Kala Haystaan & Shaxaha Macquulka Ah.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool iyo Real Madrid ayay midkood iska xaadirin doontaa wareegga semi-finalka tartanka Champions League, waxaana Reds ay ku ducaysanaysaa in ay keento laba gool oo jawaab la’aan ah si ay u rumayn karto riyadeeda ah in ay mar kale samayso soo-laabasho cajiib ah.

Kooxda reer England ayaa ciyaartii hore ee ay u safartay waddanka Spain, waxa 3-1 kusoo garaacday Real Madrid oo caawana Anfield ku hortaagan.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu tartanka kaliya ee ay ku jirtaa uu yahay Champions League iyagoo waqti hore macasalaameeyey dhamaan tartamada maxalliga ah ee Egland, isla markaana kaalinta lixaad kaga jira horyaalka Premier League, taas oo ka dhigan in xataa ay halis ugu jiraan in aanay afarta sare imanin.

Laakiin Real Madrid ayaa xaalad aad uga duwan ku jirta, waxaana iyadoo faa’iidada kulankan ku haysata guushii ay hore usoo gaadhay, ay haddana dheer tahay horyaalka Spain ee LaLiga oo ay kaalinta labaad ku jirto, isla markaana hal dhibic kaliya ay ka hoosayso Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Real Madrid

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga siddeeda

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here